Suuqyada Magaalada Boosaaso oo Maanta Xirin

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta inta badan uu xiran yahay Suuqa Magaaladaasi,kadib markii Ganacsatada lagu kordhiyey Canshuur dheeraad ah ayaguna ay ka soo horjeesteen Talaabadaasi.
Saddex Cisho ka hor ayaa Ganacsatada Alaabaha kasoo dejista Dekadda Magaalada Boosaaso waxaay sheegeen in Ganacsigooda ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhisay Canshuurtii ay ka qaadi jiraty,isla markaana ay taasi Ganacsigooda culeys ku noqotay.
Ganacsatada waxaay sheegeen inay diideen bixinta lacagta Cansuurta ah ee lagu kodhiyey,ayna ka door bideen inay Shaqa joojin sameeyaan.
Qaar kamid ah dadka danta yar ee ku nool Magaalada Boosaaso ayuu saameyn ku yeeshay xirnaanshaha Goobaha Ganacsiga,waxaana tallaabadaan weli ka jawaabin Wasaaradda maaliyadda ee maamul goboleedka Puntland.
Dhawaan ayaa waxaa Shaqa joojin sameeyey Ganacsatada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib markii ayaguna ay sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Puntlandd ku kordhisay Canshuur dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here