Suxufiga Jeff Koinange oo laga helay cudurka COVID19

Jeff Koinange oo ka mid ah wariyaasha ugu caansan dalka ayaa sheegay inuu ku dhacay cudurka COVID19.
Qoraal uu saacado ka hor soo dhigay twittarka ayuu arrinkan shaaca kaga qaaday.
Mr. Koinange ayaa xusay in cudurka uu haleelay isagoo aan lagu arag wax astaamo ah.
Waxaa uu intaa ku daray in xaaladiisa caafimaad iyo midda qoyskiisa ay wanaagsan tahay.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hadda uu ku jiro meel gaar ah dhammaana dadkii ay si dhow u wada macaamileen lagu wargeliyay arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here