Switzerland oo Khasab ka dhigtay xirashada maaskarada

Dowladda dalka Switzerland ayaa sheegtay inay Khasab tahay in rakaabka ku safraya gaadiidka kala duwan ay xirtaan marada afka iyo sanka lagu duubto.
Amarkan ayaa dhaqangalay maanta oo Isniin ah.
Cid kasta oo adeegsanaysa gaadiid dadweyne ayaa laga doonaya inay u hoggaansanto.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay kordheen kiisaska coronavirus maadaama dowladda wadankaas ay bishii hore qafiifisay xayiraadaha qaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here