Taagerayaasha Trump oo ka soo horjeestay tirintii codadka ee Arizona

Iyadoo ay isa soo taraysa hambalyada loo diraya madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa dhanka kale taagerayaasha Donald Trump ka soo horjeesteen qaabkii loo tiriyay codadkii laga dhiibtay gobolka Arizona.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegaya in xisbiga dimuqraadiga oo uu matalayay Biden uu ku shubtay natiijada doorashada madaxtinimo.
Trump oo laga guulaystay ayaa dhankiisa wacad ku maray inuusan marnaba ka daali doonin sidii codbixiyayaasha Maraykanka ay fursad ugu heli lahayeen in codadka si sax ah loo tiriyo.
Joe Biden ayaa isna ku baaqay in xaaladda la dejiyo sidoo kalena laga gudbo waxyaabaha dhibaatooyin sababi karo.
Wuxuu sheegay in ay u soo hooyatay guul taariikhi ah oo lagu qancay sidaas awgeedna uu xoogga saari doono mideynta dadweynaha , la tacaalidda cudurka COVID-19 iyo kobcinta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here