Taalibaan oo cambaareysay go’aan uu qaatay Trump

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanto gudaha wadanka Afghanistan ayaa cambaareysay go’aan madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu ku hakiyay wada hadaladii ka socday Qatar.
Kulamada ayaa u dhexeyay mas’uuliyiinta Maraykanka iyo kuwa Taalibaan waxaana looga gol lahaa in xal waara loogu helo colaadda Afghanistan ragaadisay 18 sano.
Bayaan ka soo baxay kooxdan ayaa tallaabada uu Trump qaaday waxaa uu ku tilmaamay mid nabadda liddi ku ah.
Taalibaan ayaa dhanka kale sheegtay in go’aanka Trump uunan saameyn doonin cid kale oo aan Maraykan ka ahayn.
Hoggaamiyaha xukuumadda Washington ayaa wada hadalada meesha ka saaray isagoo xusay inaynan suurtagal ahayn in arrimaha nabadda lagala xaajoodo koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kabul ee lagu dilay 12 qof oo uu ka mid ahaa sarkaal Ameerikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here