Taalibaan oo in ka badan 12 qof ku dishay Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in kooxda Taalibaan ay dishay ugu yaraan 12 qof oo isugu jiro 8 sarkaal oo kuwa ammaanka ka mid ah iyo 4 ruux oo shacab ah.
Sido kale weerarkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 50 kale oo rayid ah.
Falkan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa .
Waxaa uu ka dhacay bartamaha gobolka Ghazni sida laga soo xigtay saraakiisha dowladda Afghanistan iyo kooxda Taalibaan labaduba.
Taalibaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo ku soo aadaya iyadoo dowladda Qatar ay kala dhexdhexaadinayso dowladda Afghanistan iyo Taalibaan oo iska soo horjeeda si loo soo afjarayo dagaalada socday ku dhawaad 18 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here