Taalibaan oo sheegatay mas’uuliyadda weeraro ka dhacay Afghanistan

Kooxda Taalibaan ayaa sheegatay inay fulisay laba qarax oo maanta ka dhacay wadanka Afghanistan.
Weeraradaasi ayaa lala bartilmaameedsaday saraakiisha ammaanka sida laga soo xigtay afhayeen kooxda u hadlay.
Qaraxyada oo laga gaystay magaalada caasimadda ah ee Kabul iyo gobolka bartamaha ee Parwan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof.
Booliska iyo saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegay in 45 qof oo dheeraad ah ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here