Taalibaan oo sheegatay weerar ka dhacay Afghanistan

Kooxda Taalibaan ee ka dagaalanto gudaha dalka Afghanistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday xarun militari.
Saldhigga la weeraray ayaa ku yaalla gobolka Koonfureed ee Helmand.
Waxaa halkaas ku sugnaa ugu yaraan 150 xubnood oo ka kala tirsan ciidamada difaaca iyo kuwa sirdoonka dalka Afghanistan.
Qari Yousuf Axmedi oo u hadlay Taalibaan ayaa sheegay in weerarka oo ay xalay fuliyeen ay ku dileen dhowr sarkaal oo ka mid ah ciidamada dowladda wadankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here