Taariikhdii Kenyaanka loo qabtay inay canshuurta bixiyaan oo maanta ay ugu dambeyso

Waxaa maanta gabagaba ah mudadii maamulka canshuuraha dalka ee KRA uu u qabtay Kenyaanka inay xaqiijiyaan inay bixiyeen canshuurta laga doonayo.
Dhawaan ayay ahayd markii KRA ay sheegtay in la kordhiyay saacadaha ay shaqeynayaan howlwadeenada ka tirsan si loogu adeego dadka aan weli gudbin warbixin shakhsiyeed oo ku saabsan bixinta canshuurta.
Maamulkan ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in xafiisyada uu ku leeyahay qeybaha kala duwan ee dalka ay furnaanayaan xita maanta oo axad ah si qofkii aan canshuur bixinin uu uga faaiidaysto waqtiga ku eg saqda dhexe ee habeenimo ee caawa.
Sido kale dadweynaha aya a lagu booriyay inay adeegsadaan hannaanka intarneetka ee iTax si ay u bixiyaan canshurtooda ugana badbaadaan in ganaax lacageed la saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here