Tababar ku saabsan Taariikhada Magaalada Marko oo dhalinyaro loo soo xiray.

Maamulka gobolka shabeelada Hoose,kan degmada marka iyo Masuuliyiin kale ayaa waxay magaalada Marka ku soo xidheen Tababar lagu baranayay xirfado kala duwan iyo taariikhda Magaalada Marka oo dhalinyaro loo soo gabagabeeyay.
Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in Magaalada Marko ay tahay Magaalo fac-weyn oo Taariikh dheer leh balse aysan shacabkeedu waxba ka ogeen maadaama dalku ku dhawaad sodon sano dhibaatooyin ka jireen.
Waxay sidoo kale sheegeen masuuliyiintu in xiligaan ay dhalinyaradu fahan tahay muhiimada Nabada iyo hormarka waxayna kula dardaarmeen inay ka shaqeeyaan hormar gobolka shabeelada hoose iyo sidii AL-shabaabka looga saari lahaa deegaanada ay wali kaga sugan yihin.
Gudoomiyaha gobolka shabeelada Hoose Ibraahim Cali Najax ayaa sheegay in barnaamijkaan baro degmadaada ay ka hirgalin doonaan dhamaan magaalooyinka gobolka shabeelada hoose balse ay hada ku bilaabeen Magaalada Marko ee caasimada gobolka shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here