Talaalka cudurka duumada oo laga bilaabayo qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Caafimaadka (MoH) oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa bilaabay talaalka cudurka duumada waxaana laga talaalaya carruurta yar yar si looga ilaaliyo cudurka duumada ama Malaria-da.
Kenya ayaa noqoneysa waddankii saddexaad ee Afrika ee bilaawda talaalka cudurka duumada waxaa horay u bilaabay dalalka Malawi iyo Ghana.
Barnaamijka talaalka cudurkan ayaa la filayaa inuu ka bilawdo qeybo ka mid ah deegaanada dalka.
Waxaana ka mid ah deegaanada laga bilaabi doono Homabay, Kisumu, Migori, Siaya, Busia, Bungoma, Vihiga, iyo Kakamega.
Furitaanka talaalka xudurkan ayaa lagu qabtay degmada Ndhiwa ee ismaamul goboleedka Homay Bay waxaana goobjoog ka ahayd wasiiradda wasaaradda caafimaadka dalka Sicily Kariuki.
Waxaa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in talaalka cudurkan laga bilaabo dalka.
Cudurka duumada ayaa ah cudurka ugu dhimashada badan qaaradda Africa maadama ay jiraan ganeecooyiin halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here