Taliska AMISOM oo ku dhawaaqya howlgalo shabab ka dhan ah

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.
Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo qaybna ka ah howlgalka AMISOM,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta AMISOM iyo sidii loo dardargali lahaa howlgalada ka dhanka ah Dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya qaybna ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya oo Taliskoodu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gen. Ndegeya, oo dhowaan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM, ayaa kula hadlay saraakiisha sare ee Cidamada Itoobiya xarunta dhexe ee magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah booqashadiisa isbarashada ee lixda waaxood ee ay ka kooban Ciidamada AMISOM.
Bishii Janaayo 22, keedii sanadkii 2014, Ciidamada Difaaca qaranka Itoobiya waxay si rasmi ah ugu biireen howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM, kadibna waxay la wareegeen waaxda seddexaad oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi,waxaana ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab Gen. Ndegeya oo warbaahinta la hadlay.
Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya waa hage dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga Ciidamada Soomaaliya maadaama AMISOM la filayo inay dalka Soomaaliya ka baxaan kadib markii howlaga Amniga Qaranka Soomaaliya ay hantaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomalaiyeed.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here