Taliska booliiska Soomalaiya oo kormeeraya amniga goobaha xildhibaanada lagu dooranayo

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku sugan Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa kormeer amni ku tegay qaar ka mid ah Xarumaha loogu tala galay inay ka dhacaan doorashada xubnaba Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Taliyaha oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Booliska Maamulka Puntland ayaa waxay qimeyn dhanka Amniga ah ku sameeyeen Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe.
Booliska Soomaaliya ayaa Qorshaha isku duba ridka howlaha doorashooyinka & Amniga doorweyn ku leh , waxaana dadaal ay galinayaan qabsoomida hanaan hufan oo doorashada.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa horay kormeer ugu tegay degaano ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale la filayaa inuu tago Magaalooyinka Kismaayo iyo Jowhar ee Maamulada jubbaland & Hir-Shabeelle isagoo ku howlan Kormeer Amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here