Taliska Booliska Galmudug oo la magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Taliye Cusub u Magacaabay ciidanka Booliska Maamulka Galmudug.
Wareegto kasoo baxay Xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug loogu Magacaabay Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo kamid ah saraakiisha Sar sare ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Janeraal Bishaar Abshir Geedi ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska qeybta Gobolka Banaadir, Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da iyo xilal kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa Magacaawda taliyeyaasha Ciidamada Booliska Maamul goboleedyaday dalka ka jira marka laga reebo Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf kala dhaxeeyo dowladda,waxaana taliyeyaashooda Magacaaba Madaxweynayaasha Maamuladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here