Taliska booliska Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug oo kulan yeeshay

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hggaaminayo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, iyadoo halkaas loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dahweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliya Ciidanka Booliska Soomaliya (Xijaar ) waxayna iska xog-wareysteen dib u habeyn dhawaan lagu sameyn doono Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ka howlgalla degaannada Maamulka Galmudug.
Sidoo kale labada Masuul ayaa waxaay ka wada hadleen sugida Amniga ee degaannada Galmudug gaar ahaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka fedraalka iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa la filayaa inuu booqasho iyo kormeer ku tago Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliya ku leeyihiin degaannada Galmudug si isbedel iyo tayeyn loogu sameeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here