DHAGAYSO:Taliska Booliska Soomaaliya oo Faahfaahiyay Qaraxyo la diyaariyay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 10 ruux , oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.
Zakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dadkaas Ciidanka Booliska ay kasoo qabteen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono ayna isugu jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho iyo kuwo Shabaabnimo ku eedaysan.
Waxaay sidoo kale sheegtay in Ciidanka Booliska howlgal ay ka sameeyeen degmada Marka kusoo qabteen Keyd Qaraxyo ah oo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka uga digtay inay guryahooda ka kiryeeyaan dadka amni darada ku lug yeesha,waxayna Tilmaamtay in cidkasta oo soo dhawaysata shaqsiyaadka argagixisada lagu Tilmaamo lagula xisaabtamo doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here