DHAGEYSO:Taliska Booliska Soomaaliya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen dad dhac iyo dilal ka gaystay magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Zakiya Xuseen Axmed ayaa Faahfaahin ka bixisay howlgalo kala duwan oo ay ciidamada amaanku Ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeed.
Gen Zakiya waxay sheegtay inay ciidamadu howlgalo ay ka sameeyeen degoomiyinka Hodan, Xamar-jajab,Warta Nabada iyo kuwo kale ay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad dadka dhaca kuwo Samaynayay waxyaabaha maanka dooriya iyo shaqsiyada dilal gaystay.
Sidoo kale waxay ka warbixisay Imtixaanaaadka shahaadiga ee dalka Soomaaliya oo ay maalinkii Afraad u fadhiyaan ardayda dhamaynaya dugsiyada Sare,ayadoo xustay inay si habsami leh uga socdaan in ka badan todobaatan Xarumood oo ka tirsan gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here