Taliska Canshuuraha Soomaaliya oo ka hadlay dhibaatada Mususqa

Taliyaha hogaanka canshuuraha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay dhibaatadda musuqa iyo sida looga hortagi karo.
Taliye Xassan Bariise ayaa sheegay in hadii Taariikhda dib loo raaco Soomaaliya xiligii dowlada ay ka mid ahayd wadamada ugu horeeya la dagaalanka Musuqa hadana ay jidkaas ku joogaan dhawaana lagu guulaysanayo Ciribtirka Musuqmaasuqa.
Sidoo kale Taliyaha hogaanka canshuuraha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay si weyn uga dhex muuqdaan dhamaan Hogaamada Ciidanka ayna ku badan yihiin Dumarka iyo dadka lagu sheego in laga badan yahay.

Hadalkaan ayuu Taliyaha hogaanka canshuuraha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdullaahi Xasan Bariise ka sheegay munaasabada Hufnaanta,Daahfurnaanta Isla-Xisaabtanka qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here