Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho loogu soo xiray tababar muddo u socday.
Munaasabadda tabarka loogu soo gabagabaynayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UN-KA iyo xubno ka socday dowlada Masar.
Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga weerarada Al-Shabaab ay ku qaadaan meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Zakariye Xaaji Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka fedraalak Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Booliiska ku bogaadiyay dadaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka waxa uu ku Tilmaamay cadowga umada Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dhankiisa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed,markastana ka shaqeeya hormarka amaanka dalka Soomaaliya laga Gaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here