Taliska Ciidanka 21-aad oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AL-shabaab.

Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa sheegay in dhawaan degaannada Maamulka Galmudug ay ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahin ayaa ku hanjabay inay cagta marn doonaan dhamaan Xubnaha Shabaabka ah ee ku sugan degaannada Maamulka Galmudug,isla markaana Galmudug ay soo martay waqti adag balse laga soo gudbay hada.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in xilligaan aysan Al-Shabaab laheyn awood ay isaga difaaci karaan Ciidamada Xoogga Soomaaliya,isla markaana uu rajeynayo in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay waqti dhow ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.
Waxaa uu intaas ku daray taliyaha in howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada ka sameeyeen degaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ay kusoo qabteen qaraxyo iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhawaan Maxkamad soo taagi doonaan.
labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan Maamulka Galmudug ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab,hayeeshee shalay gelinkii hore ay weerar gaari qaraxyo laga soo buuxiyay loo adeegsaday waxay ku qaadeen Xerada Ciidamada xoogga dalka qeybta 21aad ay ku leeyihiin degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Isla shalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxay Ciidamadu ku qabteen gaari kale oo walxaha qarxa laga so buuxiyay iyo qofkii waday.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudu Maxamed Nuur Gacal ayaa la kulmay dhigiisa baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuuna Faahfhaahin ka bixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen iyo sida ay isaga Kaashanayaan howlaha ay wadaagaan Golaha wakiilada Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here