Taliska Ciidanka Lugta Soomaaliya oo la kulmay Cutubyada ku sugan jiida dagaalka shabeelada Hoose.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay dhaq dhaqaaqyo amni ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo qaarkood dhawaan laga saarey dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Deegaannada ay dhaq dhaqaaqayda ka socdaan waxaa ka mid ah tuulooyin hoostaga degmada Awdheegle,waxaana ku sugan Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Cabdi Xamiid Maxamed Dirir & Guddoomiyaha Gobolka Shabelelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Ciidamada ay tuulooyin dhowr ah la wareegeen ayna si buuxda Amniga u xaqiijiyeen.
Waxaa uu Xusay in Ciidamada sidoo kale u diyaarsan yihiin fulinta howlgallo Al-Shabaab ka dhan ah si ay uga saaraan dhamaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose isagoo bogaadiyay howlagalada Guulaystay ee ay Ciidamadu Gobolkaas ka fulinayaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa istaagay guluf dagaal oo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose tan iyo markii isbedel lagu sameeyey Talisayda Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ay Ciidanka dowladda ka fuliyeen deegaan duleedka Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo markii dambe dagaal toos ah isku bedelay ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Biitaale oo u dhow deegaanka Luuq Jeeelow,waxaana la sheegay inuu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexe maray ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo AL-shabaab.
Abaanduulaha Qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Jeneraal Saalax Yacquub oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab halka Ciidanka Dowladda ay laba askari kagag dhaawacmeen ,sidoo kalena ay Al-Shabaab hub kaga furteen dagaalkaas.
Abaanduulaha qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa tilmaamay inay howlgalkaas fuliyeen,kadib markii ay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaannada duleedka ka ah Magaalada Beledweyne ayna sii wadi doonaan howlgaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here