Taliska Ciidanka Xoogga oo faahfaahin ka bixiyay qof is soo miidaayay oo lagu toogtay Xarunta TurkeySom

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax Ismiidaamin ahaa oo saaka waabarigii hore ka dhacay xerada Ciidamada Tababarka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed TurkeySom ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay Banaanka hore ee xerada tababarka ciidanka Soomaaliya ee Turkigu Maamulo.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay toogteen nin doonaye inuu isku qarxiyo dhalinyaro ku biiraya ciidamada xoogga oo tababar loo furayo kuwaasoo Saf ku jirat Xiliga ay Ciidamadu ka shakinayeen qofka ismiidaamiyaha ah.
Taliyaha ayaa ku sheegay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa Labo qof oo uu saddex ku yahay ninka la toogtay inay ku dhinteen,waxaana uu sheegay inay jiraan dhaawacyo ka dhashay Qaraxaasi.
qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay inuu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay inay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda sidaasi waxaa yiri Gen Odawaa Yusuf Raage Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here