Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo abaabul ka wada gobolka hiiraan

Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xalay gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Taliye Ciidanka Xoogga Gen Odawaa ayaa maalmahaan waxaa uu kormeero kala duwan ku marayay Xerooyinka Ciidamada Milatariga Dowladda Soomaaliya ee deegaannada Maamulka Galmudug,waxaana safar dhinaca dhulka uu uga yimid Magaalada Dhuusamareeb.
Taliye Odawaa ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha Ciidamada millateriga Soomaaliya ee qeybta 27aad kuwaas oo ku sugan Magaalada Beledweyne,isaga oo kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Taliye Odawaa ku tago Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tan iyo markii loo Magacaabay taliyaha Ciidamada oogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here