Taliska ciidanka xoogga Soomaaliya oo bilaabaya howlgal waddo furid ah

Deegaanada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda qorshe la doonayo in lagu Furo Waddooyinka ay shabaabka go’doomiyeen oo ka tirsan Gobolada Baay,Bakool iyo shabeelada Hoose.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.
Madaxweynaha ayaa taliyaha kala hadlay sidii Ciidanka xooga dalka ay qeyb uga qaadan lahaayeen Furitaanka waddooyinka ay go’doomiyeen dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ku yaalla degaanada maamulka Koonfur Galbeed.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in dhawaan Ciidanka xoogga dalka qeybta degaanada maamulka Koonfur Galbeed ay bilaabi doonaan sidii loo furi lahaa waddooyinka isku xira degmooyinka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay qorsheyeen howlgal Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka jooggaan gobolka Shabeellaha Hoose, oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen howlgallo balaadhan oo bilow u ah Saaritaanka shabaab ee shabeelada hoose.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada uu ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee Al-shabaab looga Saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay dalka Soomaaliya kaga Sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here