Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Deegaanka Ceel-saliini.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaay sheegayaan in halkaas Saldhigyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku lahaayeen ay weeraro ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.
Uruka Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanada Ceel-saliini iyo Bariire ee Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kooban oo muddo socday.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab.
Taliye Cabdixamiid ayaa waxaa uu tilmaamay in xubno ka tirsan ragii weerarka soo qaaday la dilay, isla markaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray kuwo kale, sida uu hadalka ku dhigay.
Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray labada dhinac, In kastoo aan rasmi ah loo cadeyn karin xaalada dhabta ah eek a jirta deegaanada Bariire iyo Ceel-saliine ee gobolka Shabeelada Hoose
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here