Taliska Ciidanka xoogga soomaaliyeed oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye guuto Cabdi Xamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Fariisimaha ay Ciidamada dowladda soomaaliya ku leeyihiin deegaannada Number 50,Bariire,Sabiid iyo Canoole,Ceelsaniini,iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid waxa uu u dul istaagay difaacyada Ciidamada.
Waxaa uu saraakiisha u shegay inay ku amaanan yihiin sida ay dagaalka xooggan ugula jiraan Al-Shabaab.
Taliyaha waxaa uu sheegay in ay ugu tagi doonaan Goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab,isaga oo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here