Taliska Xoogga Soomaaliya oo howlagalo ka wada shabeelada Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Soomaaliya Gen C/xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay inay ciidanka Xoogga Soomaaliya ay halkaas ka wadaan howlgalo lagu furayo wadooyinka go’doonsan ee ay xireen dagaalameyaasha Al-shabaab.
Taliyaha ayaa xusay inay dhinac cadowga kula dagaalayaan halka dhanka kalena ay shacabka caawinayaan howlgalkaana uu isku furay wadada u dhexaysa degmada Qoryoley iyo deegaanka Janaalle.

Dhanka kale wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya inu halkaas maanta ka dhacay Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Wararka ayaa Tilmaamay in dagaalku dhacay kadib Markii dagaalameyaasha Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay halkaas ku Lahaayeen Milatariga Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay dagaalkaas ku dileen 14 xunood oo shabaabka ka tirsan sidoo kalena ay hub ka furteen kooxdii soo weerartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here