Taliyaaniga oo dabcin doona xayiraada dhaqdhaqaaqa laga bilaabo 4-ta bisha May

Wadamada caalamka ayaa wada dadaalo lagu dabcinayo xayiraadaha saaran muwaadinintooda .
Dalalkan ayaa waxaa kamid ah Australia, New Zealand, Iran iyo Spain iyada oo ay hoos u dhaceen tirada dadka uu soo ridanayo fayraska Korona.
Taliyaaniga ayaa ku dhawaaqay in uu dabcin doona xayiraadihii labada bilood saarna shacabka laga bilaabo 4-ta bisha soo socota.
Ku dhawaad 1.3 milyan oo ah muwaadiniita Australia ayaa soo dajistay app lagu magacaabo COVIDsafe kaas oo la sheegay in uu kaa caawin karo inaad ogaato qofka kuugu dhaw in uu qabo fayraska Korona.
Guud ahaan caalamka tirada dadka uu ku dhacay fayruusiga korona ayaa kor u dhaaftay 2,970,000 oo qof waxaana u dhintay in ka badan 206,000 sida lagu sheegay warbixin ay uruurisay jaamacada Johns Hopkins University oo uruuriya xogaha korona ee dunida.
868,000 oo qof ayaa ka caafimaaday COVID-19.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo muddo hal bil ah kadib shaqadiisa ku soo laabtay markii uu cudurka coronavirus haleelay ayaa sheegay in ay ka baaran degayaan sidii loo khafiifin lahaa xayiraadaha saaran dalkaasi oo hoos u dhac weyn ku keenay dhaqaalaha wadankaasi.
Dalka Bangladesh waxaa dib loo furay 500 oo kamid ah warshadaha sameeya dharka kadib muddo hal bil ah oo ay xirnaayeen si loo yareeyo faafitaanka coronavirus.
Wadanka Philippines waxaa lagasoo tabiyay 198 kiis oo cusub iyo dhimashada 10 qof taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigeeysa 7,777 iyo dhimashada 511.
Maamulka maareeynta diyaaradaha ee dalka Pakistan ayaa shaaca ka qaaday in lagu daray mudadii xayiraada ee dhanka diyaaradihii soo galayay kana baxayay wadankaasi ila iyo 15-ka bisha May.
Shiinahana wuxuu xaqiijiyay 3 kiis oo cusub oo ah fayraska korona waxaana jirin wax dhimasho ah.
Dowlada Thailand ayaa maanta shaaca ka qaadday in la xaqiijiyay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa coronavirus oo gaaraya 9.
Waxaa sido kale halkaas laga soo tabiyay hal kiis oo dhimasho ah.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay gudaha Thailand ayaa ah 2,931 halka dhimashada ay tahay 52 .
Afhayeenka xarunta Thailand u qaabilsan la tacaalidda cudurka covid-19 Taweesin Wisanuyothin, ayaa sheegay in tan iyo bishii koobaad ee sannadkan aan magaalada Bangkok lagu arkin kiisas si maxalli ah la isugu gudbiyay.
Qofka ugu dambeeyay ee cudurka ugu dhintay dalkaas ayaa ah haweeney 64 sano jir ah.
Gudaha Thailand waxaa cudurka covid-19 kaga bogsaday 2,609 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here