Taliyaha Africom oo Muqdisho gaadhay.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee ku sugan Qaarada africa Jeneraal Stephen Townsend ayaa wuxuu gaaray Magaalada Mqudisho ee Caasimada Soomaaliya.
Taliyaha oo uu wehelinayo fuliyaha arrimaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee qaarada Africa.
Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo markii uu xilkaan qabtay bishii Julay ee sanadkaan.
Sarkaalkaan ayaa intii uu Soomaaliya joogay waxa uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka ururka Al-Shabaab.
Taliyaha wuxuu sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya, dawladaha kale ee Afrika ee ay iskaashiga leeyihiin iyo weliba dalka Maraykanka oo Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.
Waxa uu sheegay in ujeedooyinka AL-shabaab ay ka mid yihiin sidii ay ku weerari lahaayeen dalka Maraykanka inkastoo sida uu hadalkiisa u dhigay aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka ka soo baxay taliska Maraykanka.
Waxa uu sheegay in Maraykanku uu Soomaalida ka caawinayo sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here