Taliyaha Asluubta Galmudug oo la Magacaabay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta dowlada Fedraalka Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu Maanta Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta deegaanada maamul Goboleedka Galmudug.
Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug waxaa loogu Magacaabey Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.
Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta qeybta deegaanada maamulka Galmudug loo Magacaabey gen Xirsiile ayaa horay waxuu u ahaa Taliyiha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Magacaabista Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Galmudug ayaa waxaay kusoo aadeysaa xilli shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Magacaawdey Taliyaha Ciidanka Asluubta Qeybta ka howlgasha deegaanada maamulka Jubbaland.
Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa waxaa shalay xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta deegaanada maamulka Jubbaland loogu Magacaabay Gaashaanle sare Cabdiqani Maxamed khalaf.
Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay xaafado Magaalada ka mid ah, isla markaana uu geystay khasaare kala duwan oo soo gaaray, dadka, Beeraha iyo Xoolaha halkaasi ku nool.
Daadaka ka soo baxay Wabiga ayaa siday Warbaahinta gudaha Soomaaliya Qortay waxaay la tageen dalagii u baxaayey beeraleyda, waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sida uu warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda Jubba ee degmada Baardheere.
Sidoo kale waxaa guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga sidaasi waxaa qortay Wabaahinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here