Taliyaha booliska deegaanka Bondo oo geeriyooday

Taliyaha booliska ee deegaanka Bondo oo ka tirsan ismaamulka Siaya ayaa xalay dhintay kaddib markii u isku arkay qandho iyo nefsashada oo ku adkaatay.
Mr. Wafula oo deegaanka dib ugu so noqday muddo isbuuc ah kaddib oo uu booqasho ku joogay magaalada Nairobi ayaa loola cararay isbitalka deegaanka Bondo halkas oo lagula tacaalayay xaaladiisa caafimaad ka hor inta uunan geeriyoon abaare 11-kii habeenimo.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Siaya Francis Kooli ayaa sheegay in dhacaan laga qaaday maydka taliyaha kaddibna loo gudbiyay sheybaarka KEMRI ee ismaamulka Kisumu si loo ogaado sababta keentay dhimashada mas’uulka oo meydkiisa la dhigay qaybta meydadka ee isbitalka deegaanka Bondo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here