Taliyaha booliska Kamukunji oo loo qabtay 2 toddobaad

Taliyaha saldhigga Booliska ee Kamukunji Shamir Yunis

Taliyaha saldhigga Booliska ee Kamukunji Shamir Yunis ayaa la siiyay labo todobaad si uu u soo qabto nin u dhashay dalka Uganda oo looga shakiyay in uu ka baxsaday xabsiga oo lagu hayay.
Eedeysanaha baxsaday oo lagu magacaabo Martin Wasike, ayaa isbuucii lasoo dhaafay lagu soo oogay isaga iyo laba kale oo la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen afduub loo geystay sarkaal boolis ah bishii Janaayo ee sannadkan.
Mr. Yunis, oo ka soo hor muuqday shalay maxkamad ku taalla magaaladatan Nairobi ayaa sheegay in eedeysanaha xabsiga laga waayay khamistii aynu ka soo gudubnay oo ku begneed 14-kii May ee sannadkan.
Waxaa uu intaa ku daray in uu ogeysiis u diray xarumaha kale ee booliiska si ay gacan uga geystaan soo qabashada tuhmanaha baxsadka ah ,isaga oo intaa raaciyay in sidoo kale la bilaabay baaritaan.
Waxaa kaloo uu weydiistay maxkamada in waqti dheeri ah siiso si gacanta ay ugu soo dhigaan balse loo qabtay kaliya laba todobaad.
Mr Yunis ayaa sheegay in midkeena uu qaldami karo taas na ay tahay xaqiiqda nolosha.
Sarkaalka la afduubtay ayaa ila iyo haatan la ogeyn halka uu ku suganyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here