Taliyaha Booliska oo amray in baaritan lagu sameeyo saraakisha booliska lala xiriirinayo dilka Garissa

Laba sarkaal oo boolis ah ayaa loo qabtay iyaga oo lagu eedeynayo inay shalay suuqa xoolaha ee magaalada Garisasa ku dileen laba qof.
Booliska ayaa saaka qoraal ay soo dhigeen bogooda Twitterka waxay ku sheegeen in taliyaha booliska Hilary Mutayambai uu amray agaasimaha arrimaha gudaha booliska Maxamad Amun inuu sida ugu dhakhsiyaha badan bilaabo baaritan.
Sido kale booliska ayaa amray waaxda DCI-da inay xaqiijiyaan rasaaska la adeegsaday.
Maamulka madaxa baanan ee dusha kala socda howlaha booliska IPOA ayaa daahfuuray baaritaanka dilka laba qof.
War saxafadeed ay shalay soo sareen IPOA ayaa ku xusan in saraakiil ka tirsan mamuulka ay gaareen magaalada Garissa, Waxayna sheegeen in marka ay dhameeyaan baaritaanada ay soo saari doonnaan soo jeedin oo ay ka mid tahay in dacwad lagu soo oogo saraakiisha dilka geysatay hadii lagu cadeeyo dambiga.
IPOA ayaa ugu yeertay shacabka inay xasilooni muujiyaan oo ay mamuulka u soo gudbiyaan dambi walba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here