Taliyaha ciidamada militariga India oo sheegay inay la heshiin karaan Shiinaha

Taliyaha guud ee ciidamada militariga dalka India General Manoj Mukund Naravane ayaa sheegay in hadii la wada hadlo heshiis laga gaari karo muranka dhanka xuduudda ee kala dhexeya Shiinaha.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu u sheegay inuu rajeynayo in xal waara laga soo saaro khilaafka jira.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu taliyuhu tahay gobolka Ladakh ee ciidamada labada dal ay bilooyin isku hor fadhiyaan.
Waxaa uu sheegay in gobolkaas ay xaalad aan deganayn ka jirto kaddib markii India ay ciidamo dheeraad ah halkaas gaysay si ay kaga hor tagaan waxa loogu yeeray gar-darrada Shiinaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here