Dhageyso:Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Kormeeray Xarumaha Ciidanka

Taliyha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen Mahad C/raxmaan Adan ayaa kormeer ku sameeyay Xarumaha Ciidamada Asluubta wuxuuna ciidanka kula dardaarmay inay laba jibaaraan shaqooyinka ay qaranka u hayaa.
Koormaarka ayaa ahaa mid uu Taliyuhu ugu guur galayay sida ay u socdaan iyo halka ay marayaan dhismeyaal ka socda Taliska guud ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayuu warbixin uga dhagaystay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Asluubta.
Taliyha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen Mahad C/raxmaan Adan oo la hadlay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Asluubta ayaa ku amaanay shaqooyin ay hayaan ciidanka Asluubta wuxuuna sidoo kale ku booriyay inay aad u adkeeyaana amanka Xerada iyo guud ahaan meelaha ay ka howlgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here