Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliya oo Magacaabis iyo Xil ka qaadis Sameeyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu xilkii ka qaadey Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Wadajir Cabdi-baasid Maxamuud Cagey,isagoo Taliye cusub u Magacaabey Saldhiga degmadaas.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho loo Magacaabey Saciid Cali Maxamuud oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Wararka qaar ee Ay warbaahinta Soomaaliya Baahisay ayaa waxaay sheegeen in xilka qaadista Taliyihii Saldhiga ciidanka Booliska ee degmada Wadajir ay ka dambeeysay,kadib markii shalay xili Maalin cad ah Gudaha degmadaas laga tuuray madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane, intaasi kadibna Taliyaha Booliska uu xilkii ka qaadey su’aalana laga weeydiiyey arrintaas Taliyihii Saldhiga Wadajir.
Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegay mas’uuliyada weerarka madaafiic ah ee lagu qaaday Xerada Xalane oo ah halka ugu weyn ee ay dagan yihiin hay’adaha ajaanibta ah ee ku sugana Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here