Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magacaabis Sameeyay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliye Cusub u Magacaabay Saldhiga Booliska Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir kadib markii uu shalay xilka ka qaaday Sarkaalkii Saldhigaasi Maamulayay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Ciidanka Booliska ee Degmada Boondheere loogu magacaabay inuu noqdo Cabdi Shiikh Ciise oo loo yaqaan (Cabdi Kumi), wuxuuna bedelayaa Taliyihii hore ee Saldhiga degmadaas Najiib Carab.
Xilka qaadista shalay lagu sameeyay Taliye Najiib Carab ayaa ka danbaysay markii habeen ka hore Askari ka tirsan ciidanka Booliska ee ka howlala degmada Boondheere uu laba ruux oo shacab uu ku dilay Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Taliska Ciidanka Boolisa dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la xiray Askarigii dilka u geystay labada ruux ee shacabka ahaa, waxaana dilka ka dhashay Banaanbax xoogan oo ay sameeyeen shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here