Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo sheegay inay AL-shabaab Mudo Todobaad ah uga saarayaan shabeelada Hoose

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xamiid Maxamed Diriri ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuuna sheegay inay deegaano badan shabaabka kala wareegeen.
Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada ay guulo ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyey ay ka fuliyeen deegaanada Gobolka shabeelada,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab sida uu sheegay
Sarkiisha kale iyo Ciidamada dowladda ee howlgalka wada ayuu taliyaha ugu baaqay inay kordhiyaan howlagaladooda,isagoo hoosta ka xariiqay inay muddo todobaad ah Shabaab kaga saari doonaan dhamaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii u dambeysay waxaay fuliyeen howlgallo kala duwan,waxaana taliska Ciidanka xoogga dalku Maalin ka hor sheegeen inay la wareegeen deegaanada,Gandarshe Jilib Marka iyo deegaano kale oo dhulka xeebta ah ku teedsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here