Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo booqday Ciidan ku dhaawacmay qarax lagu weeraray

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxa uu ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Dhawaan lagula Eegtay kolonyo uu la socday Agagaarka Isgoyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.
Janaraal Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale oo Ciidanka qalabka sida ka tirsan ayaa booqasho ugu tagay dad isugu jira Askar iyo Shacab oo ku dhaawacmay qarixii ay Al-Shabaab kula beegsadeen taliyaha ciidanka Xoogga agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya isbtitaalka xoogga iyo isgoyska Taranbuunka ee Caasimada Muqdisho.
Isbitaalada uu booqday taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Madiino iyo Somali Suudaanes oo lagu dawaynayo dadkaasi, isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here