Taliyaha guud ee booliska dalka oo la kulmay safiirka Turkiga

Abaanduulaha ciidamada booliska dalka Mutyambai ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Turkiga ku matalo Kenya Cemil Miroglu.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa shirka qabsoomay lagu xaqiijiyay.
Waxay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha la xariira amniga ee ay iska kaashan karaan Kenya iyo Turkiga.
Safiirka Turkiga u fadhiyo Nairobi ayaa intii uu kulanka socday sheegay inay arrin lagu farxo tahay in gudaha wadanka ay xasilooni ka jirto.
Waxaa uu ballanqaaday in dowladiisa ay waaxda qaran ee adeegga booliska ku taageeri doonto la dagaalanka argagixisada , in ciidamada booliska la siiyo tababaro ku saabsan la tacaalidda falalkan , maareynta falal dambiyeedyada , helidda xogaha sirdoonka iyo in saraakiisha labada dal ay wadagaan khibradooda ku aaddan dhaqamada ugu wanaagsan ee dhanka sugidda ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here