Taliye boolis oo lagu xiray ismaamulka Lamu

134

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay taliyihii saldhigga booliska Kizingitini kaddib markii lagu eedeyay inuu siidaayay eedeysane lala xariiriyay ka ganacsiga daroogada.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Lamu ,Mr Muchangi Kioi ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu Mr. Kioi intaasi ku daray in saddex sarkaal oo kale la soo qabtay.
Tallaabadan ayaa ku soo aadday saacado un kaddib markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I uu sheegay in la guda galayo howlgal ballaaran oo wax looga qabanayo caqabadaha dhanka daroogada iyo falal dambiyeedyada ee saameeyay gobolka xeebta ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here