Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Mareykanka ee Afrika

Jeneral Thomas David Waldhauser ayaa ka degay xilka taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo uu hoggaaminayay Muddo Saddex Sanno ah sidda ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka.
Jeneralka oo 66-jir ah ayaa waxa uu Hawlaha Ciiddamadda ku soo biiray sannadkii 1976-dii, isagoo ka tirsanaa Ciiddanka Mariniska ee dalkaasi, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Talisyadda Milliteriga Maraykanka, isagoo ka qeyb galay Hawlgalo Milliteri oo xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalka Iraq, Marxuum Saddaam Xuseen.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRCOM ayaa maanta waxaa hoggaanka taliskaasi si rasmi ah ula wareegay, Gen. Stephen J. Townsend, isagoo bedelay Gen. Thomas Waldhauser.
Taliyaha Cusub ayaa waxaa horyaalla Caqabado waa weyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay xoojin doonaan dagaalka Al-Shabaab.
Taliyaha Cusub Ciiddanka AFRICOM wuxuu ka shanqariyey inaan Duqeyn Diyaaradeed oo keliya looga guuleysan karin Hawlgalladda ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, ,islamarkaana uu xoojin doono howlgalka dhanka lugta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here