Taliye joojiyey Banaanbax lagu taageerayay Dowladda oo Muqdisho looga yeeray

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Hiiraan Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahadalle iyo xubno kale ayaa Maanta kasoo duulay garoonka diyaaradaha Beledweyne, iyaga oo kusii jeeda Muqdisho.
Taliyaha iyo xubnaha kale ee ku wehliya safarkiisa ayaa la sheegay in looga yeeray Taliska guud ee Booliska Soomaaliya,waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaa in wax laga weeydiin doono banaanbaxii beledweyne ee uuu jojiyey,kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxda dowladda Soomaaliya.
Dhawaan ayaa banaanbaxyo lagu taageerayay dowladda Soomaaliya ay ka dhaceen muqdisho iyo degaano ka tirsan Gobolka Gedo,halka deegaano ka tirsan Puntland laga joojiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here