Taliyihii Booliska Degmada Cabdicasiis oo Xilkii laga qaaday.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii Elite ee Magaalada Muqdisho shaqada uga joojiyay taliyihii Saldhigga Ciidanka Booliska ee Degmada C/casiis,iyadoo sidoo kale Falkaas loo xiray askartii ilaalada ka ahayd Baraha Kontorool ee degmadaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmad C/casiis Axmed Cabdullaahi Baashane, isla markaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel ee qasaaraha dhaliyay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay soconayaan baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah, isagoo Saraakiisha laamaha ammaanka faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.
Al-Shabaab ayaa weerar qarax uu ku bilowday ka geystay Liido 15kii Bishan,wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa go’aankaasi uu ka soo baxay taliska Ciidanka booliska,iyadoo ay qeyb ka tahay isla xisaabtanka hay’adaha ammaanka dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here