Taliyihii Ciidanka DANAB oo xilkii laga qaaday

Taliyihii guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa xilka laga qaaday kaas oo la sheegay in muddo bil ka badan uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, iyada oo usan heyn wax Shaqo ah.
Taliye Cusub ayaa loo Magacaabay Guutada 16 aad Kumandooska Danab, kaas oo lagu Magacaabo Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur {beeryare} oo ka tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya xilal kala duwana soo qabtay.
Taliyihii xilka laga qaaday ee guutada 16aad kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa muddo bil ah Shaqeyn, waxaana Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah Ehellada Gaashaanle Cabdi Maalik uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Shaqada ka joojiyay, isla markaana la doonayo in la geeyo Xabsiga dhexe si shirqool loogu dilo.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa aad looga hadal haayay Baraha Bulshada Shaqa joojinta Taliyihii guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin, iyada oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (AFRICOM) ay Garoonka diyaaradaha muqdisho kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo kala hadlay sababta Shaqa joojinta loogu sameeyay Taliyaha maadaama Ciidanka DANAB ay mushaar iyo saadba uu siiyo Mareykanka.
Taliyihii guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ee xilka laga qaaday ayaa waxaa Ciidanka uu hoggaaminayo ee DANAB ay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, iyaga oo Al-Shabaab kala wareegay degaano dhowr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here