Taliyihii hore ee ciidamada difaaca oo loo magacaabay guddoomiyaha shirkadda KenGen

Abaanduulihii hore ee ciidamada difaaca dalka ee KDF Samson Mwathethe ayaa loo magacaabay guddoomiyaha shirkadda soo saarto korontada ee KenGen.
Waxaa uu xilkan kala wareegayaa Joshua Choge oo muddo hal sano ah KenGen hoggaaminayay.
Isbeddelkan dhanka maamulka shirkadda ayaa shaaca looga qaaday shirka 67-aad ee sannadlaha ee shirkadda oo dhawaan la qabtay.
Guddiga maamulo shirkadda KenGen ayaa sheegay in Mr. Mwathethe uu leeyahay khibrad badan oo dhanka istaraatiijiyadda iyo hoggaanka ah.
Agaasimaha guud ee shirkadda KenGen Rebecca Miano ayaa sheegtay in taliyihii hore ee ciidamada gaashaan dhigga Kenya uu kaalin weyn ka qaadan doono u adeegidda macaamiisha iyadoo lala jaanqaadaya horumarrada dhanka dijitaalka.
Mwathethe ayaa bishii shanaad ee sannadkan howlgab ka noqday xilka taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here