Taliyihii militariga Itoobiya oo la toogtay

Wararka naga soo gaaraya Itoobiya ayaa sheegaya in la toogtay taliyihii ciidamada militari ee dalkaasi iyo saraakiil kale.
Warka arrinkan ku aaddan ayaa laga soo xigtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Dowladda dalkaasi ayaa dhanka kale sheegtay inay ka hor tagtay iskuday afgembi oo la doonayo inuu ka dhaco gobolka Amxaarada. Waxayna tani ku soo beegmaysa iyadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.
Mr .Abiy oo telefishinka ka soo muuqday isagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.
Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalka Itoobiya uu go’an yahay.
Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Wakaaladad wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in wakiilka dhanka saxaafadda u qaabilsan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Billene Seyoum uu u xaqiijiyay toogashada dhacday.
Sido kale taliye sare oo lagu magacaabo Tefera Mamo ahna madaxa ciidamada gaarka ah ee gobolka Amxaaradda ayaa sheegay in dadkii soo qorsheeyay afgembiga dhicisbooay badankoodu la xiray.
Abiy Axmad oo xilka qabtay bishii afaraad ee sannadkii hore ayaa lagu ammanay inuu furfuray siyaasadda wadan horay u muuqday mid xiran.
Maamulka Abiy ayaa xabsiyada ka siidaayay maxaabiis siyaasadeed, waxaa xayiraado saarnaa laga qaaday xisbiyo halka sido kalena dacwado lagu furay saraakiil lagu eedeyay inay ku xadgudbeen xuquuqul aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here