Taliyihii saldhigga booliska Langata oo u geeriyooday COVID-19

Taliyihii saldhigga booliska ee deegaanka Langata ee Nairobi George Kabii ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhintay COVID-19.
Waxaa uu geeriyooday xilli lagu daaweynayay isbitaal ku yaalla caasimadda dalka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalkan uu sidoo kale qabay xanuunka macaanka.
Ilaa galinkii dambe ee shalay waxaa gudaha Kenya cudurka COVID-19 ugu dhintay 1,330 qof.
Dadka cudurka ka caafimaaday waxay tiradoodu tahay 50,658 halka si guud tirada bukaanada uu saameeyay ay tahay 74,145 .
Dhanka kale guddoomiyaasha ismaamullada dalka ayaa ku heshiiyay in la billaabo wacyigelin ballaaran oo ku aaddan cudurka COVID-19 si shacabka deegaanada loo fahansiiyo halistiisa.
Sidoo kale laga billaabo Isniinta soo socoto 23-ka bishan hadii qofku uunan sidan maaskaro ama afxir looga adeegi doono xafiisyada ismaamullada.
Talaadada waxaa dowladaha ismaamullada oo kaashanaya guddoomiyaasha dowladda dhexe halkaas ku matalo ay daahfuri doonaan barnaamij si wadajir ah loogu dhaqangelinaya amarrada wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada ee CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya oo maanta warbaahinta la hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here