Taliyihii Xabsiga Dhexe oo Shaqa joojin lagu sameeyay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye,isaga oo si ku meel gaar ah taliye ugu Magacaabay Xasbiga dhexe.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed ayaa sheegay in Shaqa joojinta ay timid, ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo aheyd dagaal dhex-maray Ciidamada ilaalada iyo qaar kamid ah Maxaabiista oo la sheegay in uu hub gacanta u galay.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu sheegay in si ku meel gaar ah taliyaha Xasbiga Dhexe ee Xamar loogu Magacaabay Sareeyo Guuto daahir Cabdulle raage,isla markaana uu socdo baaritaanka dagaalkii Xabsiga Dhexe.
11-kii Bishaan Agoosto ayaa xilli galab ah waxaa dagaal uu ka dhex bilaawday Gudaha Xasbiga Dhexe, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu sheegay in qaar kamid ah Maxaabiista oo hub gacanta u galay Ciidamada ilaalada Xabsiga ay dagaalameen,isla markaana dagaalkaas ay ku geeriyoodeen 15 Ruux oo isugu jiray Ciidamada iyo Maxaabiista.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here