Talyaaniga oo amray in la xiro ganacsiyada aan muhiimka ahayn

Dowladda Talyaaniga ayaa amar ku bixisay in albaabada la isugu dhufto dhammaan goobaha ganacsi ee aan aadka muhiim ugu ahayn wax soo saarka wadankaas.
Waxay xirnaanayaan ilaa 3-da bisha Afaraad ee sannadkan.
Amarkan ayaa yimid kaddib markii shalay Talyaaniga laga diiwaangeliyay dhimashada 793 qof oo uu noloshooda galaaftay cudurka COVID-19,
Ra’iisul wasaare Giuseppe Conte ayaa muuqaal uu soo geliyay Facebook-ga ku sheegay inaan la ogolaan doonin howlaha wax soo saarka ee aan faaiido weyn u lahayn wadankaas in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here